Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Toddobaadka & Doorashada Somaliland


Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadkan waxaan ku gorfeyneynaa doorashada madaxweynanimo ee ka dhacday lixda gobol ee ay ka kooban tahay Somaliland.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan kusoo qaadaneynaa doorashada madaxweynanimo ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacday lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay. Khubarada ka qeyb galaya barnaamijka ayaa si qoto-dheer u gorfeynaya isbeddelka ay doorashadu keeni karto, iyo sida ay natiijadu noqon karto.

Aqoonyahannada ayaa isku raacay in doorashada oo u dhacday si nabad ah ay noqon karto mid wax weyn ka beddesha guud ahaan majaraha siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo ay Hargeysa tan iyo sanadkii 1991-dii dooneyso inay si rasmi ah uga go'odo Soomaaliya inteeda kale.

XS
SM
MD
LG