Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faallo ku saabsan Xiisadaha Masar


Faallo ku saabsan Xiisadaha Masar
Faallo ku saabsan Xiisadaha Masar

Masar waxay kaalinta hore kaga jirtaa waxbarashada, fanka iyo cilmiga sayniska ee dalalka Carabta.

Dalka Masar oo ka tirsan waddamada Afrika ugu xoogga weyn, xubinna ka ah ururka Jaamacadda Carabta, ayaa ah dal taariikh dheer ku leh Afrika iyo Carabtuba.

Waddankaasi wuxuu hogaanka u hayaa fanka dalalka Carbeed. Wuxuuna safka hore kaga jiraa waxbarashada sayniska, dhaqaalaha iyo technologiyadda ee dalalka Carbeed.

Haddaba waxaa dalkaasi ka jira kacdoon dadweyne oo lagu dalbanayo in madaxweyne Xusni Mubaarak uu xilka ka dego. Balse Mr. Mubaarak uma muuqdo inuu dalabkaasi u hogaansamayo, ciidamada xoogga dalka oo saaxiibo waaweyn uu ku leeyahay madaxweynaha iyaguna mowqifkooda ma cadda. Sidaasi darteed waxaan la hubin sida uu u guuleysan doono kacdoonka dadweyne.

Faallo ku saabsan waxaa inoo diyaariyay madaxa laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda VOA Cabdiraxmaan Yabarow.

XS
SM
MD
LG