Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Muqdishu


Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax uu goor dhowayd ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee magaalada Muqdishu.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray babauur marayey meel u dhow Taleex degmada Hodan ee Muqdishu.

Wararku waxay sheegayaan inay jirto waxyeello soo gaadhay qof saarnaa babuurka. Qofka saaran ayaa la sheegay inuu ka mid yahay shaqaalaha shirkdaha gooya tikidhada diyaaradaha.

Ilaa hadda ma cadda waxyeellada dhacday inta ay le'eg tahay. Sidoo kale ma cadda cidda ka dambaysa weerarka, hase yeeshee ururka al-Shabab ayaa inta badan sheegta qarxayada iyo weerarrada ka dhaca magaalada Muqdishu iyo degaanno badabn oo Soomaaliya ah.

XS
SM
MD
LG