Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo ka Hadashay Xaaladda Soomaaliya


EU oo ka Hadashay Xaaladda Soomaaliya
EU oo ka Hadashay Xaaladda Soomaaliya

Wakiilada Midowga Yurub u qaabilsan Afrika iyo Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin waqti kororsiga baarlamaanka.

Shir Jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya iyo xiriiriyaha Midowga Yurub ee Afrika, ayaa waxaa si guud looga hadlay marxaladaha siyaasadeed iyo midda ciidan ee ka jirta Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Warbixinta:

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayaan deegaanada xasiloon, sida Somaliland iyo Puntland oo ay sheegeen inay u qorsheeyeen mashaariic wakhtigan ah iyo kuwo mustaqbalka oo ku bixi doona inka badan $300,000 milyan.

Halkan ka dhaageyso warbixinta.

Tallaabadan Midowga Yurub waxay daba socotaa isbedel straatiijiyadeed oo uu sameeyay Maraykanka, taasoo dhowaan uu sheegay in ay bilaabi doonaan dilomaasiyad labo geesood ah oo ay kula macaamili doonaan Puntland iyo Somaliland.

Soomaaliya dowlad awood badan kama jirin tan iyo 1991-kii, markaasoo qabqablayaal dagaal ay rideen xukuumaddii dhexe, taasoo dalka gelisay codaad 20 sano jirsatay oo weli sii socota.

XS
SM
MD
LG