Midawga Europe ayaa ku dhawaaqay in ay koox ilaallada soohdimaha ah ay u dirayaan wadanka Greece si ay dalkaasi uga caawiyaan sidii loo joojin lahaa dadka sida sharci darada ah ku soo galaya dalkaasi.
Dadkaasi ayaa waxaa ku jira muhaajiriin Africaan ah oo ay Soomaali ku jirto.
Talaabadan ayaa ah mid lagaga jawaabayo dalab ay dowlada Greece horey ugu jeedisay Midowga Europe oo ku saabsan in gacan laga siiyo joojinta dadka muhaajiriinta ah ee uga soo galaya dalka Turkey.