Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo $93m ugu Deeqday AMISOM


EU oo $93m ugu Deeqday AMISOM
EU oo $93m ugu Deeqday AMISOM

Midowga Yurub ayaa ku dhowaaqay deeq lacageed oo gaareysa $93m oo uu siinayo hawlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ee AMISOM.

Midowga Yurub ayaa Isniintii shalay ku dhowaaqay deeq lacageed oo gaareysa 66 milyan oo Euro ah oo u dhiganta $93 milyan inuu siinayo hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

Ku dhowaaqista deeqdan ku socota AMISOM waxay ku soo beegmeysaa xilli ay dowladda KMG ahi ay baahi weyn u qabto in laga taageero mushahar siinta ciidankeeda iyo dagaal xooggan oo ay kula jiraan kooxda al-Shabaab.

Deeqdan $93-ka milyan ee doollwar ee uu Midowga Yurub ku taageerayo hawlgalka AMISOM waxaa lagu bixin doonaa kharashka ku baxa gaadiidka, daryeelka caafimaadka iyo mushaharka ciidanka.

Madaxa arrimaha horumarinta ee Midowga Yurub Andris Piebalgs ayaa sheegay in sababta ay u bixinayaan taageeradaasi ay tahay inuu si habsami leh u sii socdo hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM oo ay sheegeen inuu sameynayo horumar.

XS
SM
MD
LG