Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR: Nafaqo darro Haysa Caruurta Soomaalida ee Itoobiya


UNHCR: Nafaqo darro Haysa Caruurta Soomaalida ee Itoobiya
UNHCR: Nafaqo darro Haysa Caruurta Soomaalida ee Itoobiya

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay inay jirto nafaqo-darro baahsan oo haysa caruurta Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga Dollo Ado ee dalka Ethiopia.

Xeryahan ayaa hoy u ah kumanaan qaxooti oo Soomaali ah kuwaasoo ka cararay abaarta iyo colaadda is-biirsaday ee dalka Soomaaliya.

UNHCR ayaa sheegtay in sahan dhinaca nafaqada ah oo laga qaaday xeryaha Kobe iyo Hilaweyn lagu ogaaday in caruurta da’doodu 5ta sanno ka hoysaasaa ay xaalad daran ku jiraan.

Afhayeenka UNHCR, Andrej Mahecic ayaa VOA u sheegay in tirada Soomalida ee galaya dalka Ethiopia ay dhawaanahan yaraatay, taasina ay ugu wacan tahay dagaallada iyo roobab xooggan oo ka da’ay koonfurta Soomaaliya kuwaasoo isu-socodka dadka aad u adkeeyay

Afhayeenku wuxuu sheegay 170 iyo 200 oo qof ay maalintiiba soo galaan Kenya iyo Ethiopia.

XS
SM
MD
LG