Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho:Turkish Airlines oo Duulimaad Bilowday


Shirkadda Turkish Airlines ayaa duulimaadkeedii ugu horreeyey maanta ka bilowday Magaalada Muqdisho. Duulimaadkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee shirkad caalami ah ay ku tagto Soomaaliya in kabadan 20 sannadood.

Duulimaadka Shirkadda Dayuuradaha Turkish Airlines , oo ay la socdeen wafdi heer sare ah oo ka socda xukumadda Ankara, oo uu horkacayo Ra’isul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bosdag, ayaa markii ay Muqdisho ka degeysay waxaa garoonka Aden Cabdulle Cusman international Airport ku soo dhaweeyay, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan DKMG ah oo uu ku jiray madaxweyne Sharif Sheikh Axmed.

Duulimaadkan ayaa Turkish Airlines waxey maalin kasta oo Salaasa ah iyo Khamiista isaga kala gooshi doontaa Muqdisho iyo Istanbul iyadoo soo mari doonta Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay duulimaadkan, iyagoo sheegay inay rajo ka qabaan in eheladooda qurba joogta ah ee dunida ku kala firirsan ay u fududeyn doonto inay dalkooda soo booqdaan.

XS
SM
MD
LG