Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaantii Ugu Xumeyd Oo Ku Wajahan Mexico


Waddada loo maleynayo inay marto duufanata Patricia
Waddada loo maleynayo inay marto duufanata Patricia

Duufaantan oo loogu magac daray Patricia ayaa la rumeysan yahay inay noqon doonto tii ugu xumeyd ee taariikhda, inta la ogyahay.

Dadka ku nool koonfurta galbeed ee dalka Mexico ayaa isku diyaarinaya imaanshaha duufaanta la filayo inay noqoto musiibada ee Patricia.

Dadka bixiya saadaasha hawada ayaa sheegaya in duufaantan ay wadato dabeylo xawli socodkoodu yahay 325 kilomitir saacaddiiba, ayna keeni doonaan dhibco roobaad dhan 20 illaa 30 centimeter, ama 50 centimeter, meelaha qaar.

Xarunta duufaanada ee Mareykanka ayaa sheegeysa in roobabka la socda duufaantan ay dhalin doonaan daadad halis gelin doona nolosha, sababi karana dhiiqo-guur.

Mas’uuliyiinta dalka Mexico ayaa xaalad deg deg ah uga dhowaaqay magaalooyin badan. Waxa ay billaabeen inay dadka daad gureeyaan, xiraan dekedaha iyo iskuullada, kuna booriyaan dalxiisayaasha inaysan tagin goobaha la filayo inay duufaanta ku dhufato.

Guddiga biyaha ee Mexico ayaa ka digay in webiyadu ay sare u kici doonaan, waddooyinkana ay harqin doonaan daadad.

Duufaantan ayaa la rumeysan yahay inay noqon doonto tii ugu xumeyd ee taariikhda, inta la ogyahay.

XS
SM
MD
LG