Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali U Dhintay Weerarkii Sweden


Magaalada Trollhattan, Sweden ee uu weerarka ka dhacay
Magaalada Trollhattan, Sweden ee uu weerarka ka dhacay

Wiilka Soomaaliga oo 15 jir ah oo magaciisa la yiraahdo Axmed Cigaal ayaa dhiganayay iskuul shalay weerar lagu qaaday.

Tirada dadkii ku geeriyooday weerar shalay ka dhacay iskuul ku yaalla magaalada Trollhattan magaalada dalka Sweden ayaa la xaqiijiyay inay tahay 4 qof oo uu ku jiro wiil Soomaali ah.

Wiilka Soomaaliga oo 15 jir ah oo magaciisa la yiraahdo Axmed Cigaal oo dhiganayay iskuulka la weeraray, ayaa u geeriyooday dhaawacyadii shalay kasoo gaaray weerarka.

Afarta qof ee ku dhimatay weerarka ayaa kala ah macallin iskuulka wax ka dhigayay, ninkii weeerarka geystay, iyo laba arday oo uu wiilka Soomaaliga ahaa uu ku jiro.

Ninka weerarka geystay ayaa ahaa wiil u dhashay dalka Sweden oo adeegsanayay Baangad, wajigana soo qarsaday.

Caasho Ibraahim ayaa la xiriirtay Nasro Yuusuf Kadiye oo habaryar u ah ardayga Soomaaliga ah ee ku geeriyooday weeraka, waxayna wax ka weydiisay waxa ay kala socdaan shilka dhacay ee uu wiilkoodu ku geeriyooday.

Dhageyso wareysiga Nasra Yuusuf
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:34 0:00

XS
SM
MD
LG