Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan ku Dhufatay Bariga Maraykanka


Duufaan ku Dhufatay Bariga Maraykanka
Duufaan ku Dhufatay Bariga Maraykanka

Duufaanta Irene ayaa maanta ku dhufatay dhinaca bari ee dalka Maraykanka.

Duufaantan ayaa maanta oo Sabti soo gaadhay qeybo ka tirsan xeebaha gobolka North Caroline waxayna wadataa dabeylo ku socda 140 KM boqolkiiba.

Dabeylo xooggan ayaa dhulka soo dhigay geedad, waxayna dabeylahani dhaliyeen roobab daadad ay ka dhasheen, waxaana sidoo jirta kororto la’aan saameysan tobonaan kun oo qof.

Shaqaalaha saaddaalinta ee xarunta Duufaanada ee Maraykanka ayaa hoos u dhigay dabaqada duufaantan Irene oo ay sheegeen inay ka yar tahay duufaannadii hore ee watay dabeylaha ku socda 150 km saacadiidba, laakiin waxay ka digeen inay duufaantan xoog yeelan karto iyadoo markaasi u gudbaysa meelaha ay dadku ku badan yihiin ee agagaarka Washington.

Digniin ayaa laga soo saaray New York iyo dhamaan meelaha ku teedsan xeebta bari ee Maraykanka. Madaxweyne Obama wuxuuna ku tilmaamay duufaantan mid aad halis u ah oo lacag badana ku kici doonta burburkay dhaliso.

Magaalada New York, duqa magaalada Micheal Bloomberg ayaa amray daadgureyn qasab oo ah tii ugu horreysay ee abid laga hirgaliyo magaaladaasi. Ku dhawaad rubac malyuun qof ayaa loo sheegay inay guryahoda ku yaalla dhulka taagoodu hoose ka tagaan. Waxaa markii ugu horreysay la xiray dhamaan khadadka gaadiidka iyo tareenada ee magaalada New York, sidoo kale dhamaan garoomada diyaaradaha ee magaalada New York ayaa albaada 12ka duhurnimo xilliga New York.

Shirkaddaha diyaaraha ayaa joojiyay boqolaal duullimaad ah xeebaha bari ee Maraykanka, iyadoo adeegyada tareemada qeybo ka tirsan gobolkana la hakiyay.

XS
SM
MD
LG