Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay 17 qof ayaa ku dhintay, ilaa 59 kalena way ku dhaawameen.
Madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah Cali Muuse ayaa xalay VOAda u xaqiijiyay in tirada dhaawaca iyo dhimashadu intii hore ka sii badatay.
Duqeymaha ayaa bilowday kadib markii dowr hoobiye lagu tooray xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya oo ay ka socotay xaflad lagu xusay maalintii la aas aasay ciidamada xooga dalka Soomaalia,
Dhinaca kalena qarax xooggan oo ah nooca miinada dhulka la dhigo ayaa lala beegsaday ciidamo isugu jira AMISOM iyo dowladda KMG ah xili ay marayeen meel ku dhaw dugsiga booliska degmada Xamar Jajab ee Muqdisho.
Qaraxaan miinada ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 3-qof ah oo labo kamida ay ahaayeen ciidamada dowladda, halka askari ka tirsan AMISOM uu ku dhaawacmay.
Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa dhibanayaasha dagaallada Muqdisho.