Isku xirrada

War Deg-Deg ah

J/Hoose: Duqeyn ka Dhacday Hosingow


J/Hoose: Duqeyn ka Dhacday Hosingow
J/Hoose: Duqeyn ka Dhacday Hosingow

Wararka ka imaanaya degaanka Hosingow ee Galbeedka Gobolka Jubadda hoose ayaa sheegaya in dayaarado dagaal ay duqeyn u geysteen saldhigyo Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabab ay ku lahaayeen hareeraha Hosingow.

Dadka degaanka oo ay VOAda la hadashay ayaa sheegay in dhaq dhaqaaq ciidan oo xooggan ay halkaasi ka wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa DKMG ah oo isla socda.

Degmooyinka badhaadhe iyo Afmadow ee gobolkaasi ayaa iyana laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan.

Weli lama oga qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi waxaana yar wararka laga helayo Hosingow oo khadka isgaarsiinta ay adagtay in lagu xiriiro degaanka.

XS
SM
MD
LG