Madaafiicda ayaa bilowday kadib markii kooxaha mucaaradku ay gantaallo la beegsadeen xarunta guriga ummada oo shir saaka uga bilowday baarlamaanka Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa la sheegay inay madaafiic jawaab celis ah soo tuureen.
Xaafadaha ay madaafiicdu haleeleen waxaa ka mid ah Hawl-wadaag, Hodan, Wardhiigley, iyadoo khaasaraha ugu badan ee madaafiicdan ay dhaliyeen uu ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha.
Madaxa gaadiidka gurmadka Muqdisho, Cali Muuse ayaa VOA-da u sheegay in saaka 10 barqanimo ilaa maqribnimadii xilliga Muqdisho ay dhaawacyo dad rayid ah ka qaadayeen qeybo ka tirsan Muqdisho.
Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga Cali Muuse.