Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeymo iyo Dagaallo ka dhacay Muqdisho


Duqeymo iyo Dagaallo ka dhacay Muqdisho
Duqeymo iyo Dagaallo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay duqeymo iyo dagaallo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay, 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo xalay ilaa saaka dhacayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaaladan ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay gacan siinayeen kuwa nabad ilaalinta ah ee AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab.
Waxaana ay isaga hor yimaadeen degmooyinka Cabdilcasiis iyo Boondheere oo ka mid ah goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada kooxda al-Shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa VOA u sheegay in ay arkeen maydadka labo ruux oo ku dhintay duqeyn, iyo dhaawaca saddex kale.

Tiro kale oo dad ku dhaawacmay dagaalada duqeynta ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, oo uu ka mid yahay Cisbitaalka Madiina.

XS
SM
MD
LG