Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladdii Romania Oo Isu Casishay Dab kacay


Ra'iisul wasaaraha Romania Victor Ponta oo xafiiska ka tagaya
Ra'iisul wasaaraha Romania Victor Ponta oo xafiiska ka tagaya

Xubno ka mid ah dowladda ayaa lagu tuhmayaa inay laaluush qaateen kadibna ay waraaqaha ruqsadda shaqo usoo saareen baarar lagu caweeyo oo aan ammaan ahayn.

Ra'iisul Wasaraaha Romania Victor Ponta ayaa sheegay in dowladdiisa ay is-casilyeso kadib markii dibad-baxayaal ay sidaas ka dalbadeen, sababo la xiriira dab ka kacay baar habeenkii lagu caweeyo, oo 32 qof ay ku geeriyoodeen.

Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa qaaday waddooyinka bartamaha magaalada caasimadda ah ee Bucharest ayaga oo tuhunsan in xubno ka mid ah dowladda ay laaluush qaateen kadibna ay waraaqaha ruqsadda shaqo usoo saareen baarar lagu caweeyo oo aan ammaan ahayn.

Dabkii habeenkii jimcaha ka kacay baarka Colectiv ayaa dilay 32 qof, ayada oo 200 oo kale ay ku dhaawacmeen kadib markii 400 oo qof ay isku dayaya iay ka baxsadaan ay is-jiireen.

Ayaga oo sita boorar lagu qoray “Musuq Maasuqa waa dilaa” ayay dibad-baxayaasha dalbadeen is-casilaadda ra’iisul wasaare Ponta iyo ku xigeenkiisa Gabriel Oprea, iyo duqa magaalada Bucharest, oo baarka uu ku yaallay.

Dacwad oogayaasha Romania ayaa amar ku bixiyey in su’aalo la weydiiyo saddexda nin ee lahaa baarka.

XS
SM
MD
LG