Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somalia oo Qaaday Xayiraaddii Jaadka


Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaadday xayiraaddii ay horey u sheegtay in la saaray diyaaradihii jaadka ka keeni jiray Soomaaliya ee ka iman jiray dalka Kenya.

Go’aankan ayaa lagu dhowaaqay kadib wada-hadallo maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya ku dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen afar qodob oo arrinta Jaadka ay ku jirto.

“Waxaa labad dhinac ay isku raaceen in dhaqdhaqaaqi diyaaradaha Jaadka dib loo billaabo 14-ka September” ayay tiri Aamina Maxamed.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in la isku raacay in laga shaqeeyo sidii loo qaadi lahaa ku hakashada diyaaradaha Soomaaliya ka imanaya ee magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

XS
SM
MD
LG