Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda KMG iyo Weriyayaasha madaxa-banaan


Dowladda KMG iyo Weriyayaasha madaxa-banaan
Dowladda KMG iyo Weriyayaasha madaxa-banaan

Hay'addaha u doodda xuquuqda weriyayasaha ayaa sheegay in DKMG ay cagajugleyn ku hayso weriyayaasha ka soo warramaya dagaallada Muqdisho.

Kooxaha u doodda xuquuqda wariyayaasha ayaa sheegay in dowladda ay QM taageerto ay hanjabaadyo iyo cagajugleynba ku heyso wariyayaasha ka soo waramaya dagaallada iyo rabshadaha ka socda caasimada Muqdisho.

Sida laga soo xigtey hay’addaha xuquuqda wariyayaasha u doodda ayaa sheegey in wariye Maxamed Ibrahim oo ah weriye u shaqeeya wargeyska the New York times loo direy fariin loogu hanjabayo in la dili doono iyadoo ay ku raad joogaan saraakiil ka tirsan ciidmada sirdoonka Dowlada, waxaana loo haystaa gacantii uu NewYork Times ku siiyey war ku saabsanaa caruur la askareeyey oo ka careysiisey dowladda Mareykanka.

Maqaal bishii hore lagu qorey wargeyska NY times ayaa ku xiriiriyey dowlada KMG ah in ay si sharci darro ah oo ka soo horjeeda qawaaniinta caalamiga ah ay u askareneyso caruur ay qaarkood da’doodu tahay sagaal sanno balse dowladdu waa ay beenisey warkaasi.

Jeffrey Gettlemen oo NewYork Times u madax uga ah bariga Africa ayaa u sheegay hay’adda International Press Institute ee fadhigeedu yahay magaalada Vienna in saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah ay u hanjabeen dad kale oo iyagana xiriir la lahaa warbixintaas uu qorey wargeyska.

Warbixinta oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG