Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doonyaale: Atom al-Shabaab ayaa Soo Dirtay


Doonyaale: Atom al-Shabaab ayaa Soo Dirtay
Doonyaale: Atom al-Shabaab ayaa Soo Dirtay

Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Puntland wuxuu sheegay in Sheekh Atom uu yahay nin ay soo dirtay kooxda al-Shabaab.

Siyaasi caan ah oo xilalna ka soo qabtay maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha maleeshiyada Galgala Sheekh Maxamed Siciid Atom inuu ka tirsan yahay kooxda al-Shabaab.

Axmed Xuseen Doonyaale, wasiirkii hore ee xannaanada xoolaha ee Puntland oo wareysi siiyay VOA-da ayuu sheegay in dagaalkii ka dhacay agagaarka degmada Galgala ay ka qeyb qaadatay kooxda al-shabaab.

Doonyaale ayaa sheegay in Sheekh Atom uu yahay nin u adeegaya kooxda al-Shabaab, haatanna lagala wareegay taladii degmada Galgala.

Waxa uu intaa raaciyay in lagu guul darreystay dadaal ay odayaashu wadeen oo lagu doonayay in arrintaasi lagu xaliyo, ka dib markii sheikh Atom uu u yeertay waxa uu ugu yeeray kooxo ka dagaalama koonfurta Soomaaliya.

Doonyaale ayaa sheegay inuu u arko in aanu jirin xal kale oo aan ka ahayn in lala dagaalamo Sheekh Maxamed Siciid Atom iyo maleeshiyada uu wato.

XS
SM
MD
LG