Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda Gaaban: Maamul-goboleedka Hiiraan


Doodda Gaaban: Maamul-goboleedka Hiiraan
Doodda Gaaban: Maamul-goboleedka Hiiraan

Jaalliyada gobolka Hiiraan ee ku nool waddamada Galbeed ayaa dhawaanahan waday dadaallo ay ku doonayeen inay maamul-goboleed ugu sameeyaan gobolka Hiiraan.

Toddobaadkii ina soo dhaafay waxaa magaalada Nairobi loogaga dhawaaqay maamul-gobolleedka Hiiraan, iyadoo halkaasi lagu doortay madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen u yeelanayo maamulkaasi.

Haddaba maamulkan cusub ma yahay mid ay u dhan yihiin oo ay raali ka yihiin dhamaan dadka iyo qabaa'illada degan gobolka Hiiraan, Doodda Gaaban ee maanta oo arrintaasi ku saabsan waxaa ka qeybgalaya oo ka dooddaya Aadan Nuur Aadan iyo C/laahi Maxamuud Warsame oo ku sugan magaalada Nairobi, waxayna labadooduba ka soo jeedaan gobolka Hiiraan.

XS
SM
MD
LG