Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG Somalia oo ka Hadashay Hogaanka Al-qaacida


DKMG Somalia oo ka Hadashay Hogaanka Al-qaacida
DKMG Somalia oo ka Hadashay Hogaanka Al-qaacida

Wasiirka gaashaan dhigga ee DKMG Cabdixakiim Fiqi ayaa ka jawaabay magacaabista hoggaamiyaha cusub ee al-Qaacida Ayman al-Zawaahiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtayin doorashada Ayman al-Zawaahiri ee hoggaaminta ururka al-Qaacida aysan waxba ku soo kordhineyn ururkaasi iyo Soomaaliyaba.

Wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, ayaa VOA u sheegay in la ogaaday fikiradda aasaaska ah ee al-Qaacida inay tahay mid qaldan, sidaasi darteed aysan waxba soo kordhineyn doorashad al-Zawaahiri.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaan dhigga oo ku sugan Doolow Itoobiya, ayaa halkaasi u joogay sidii lagu sii deyn lahaa saraakiil Soomaaliyeed oo ay xirtay dowladda Itoobiya ayaa sheegay inuu ku guuleystay in Itoobiya ay xabsiga ka sii deysay 13 xubnood.

Wasiirku wuxuu sheegay in saraakiisha la sii daayay uusan ku jirin xildhibaan Barre Aadan Shire, Barre Hiiraale oo sidoo kale horey u ahaa wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah. Wasiirka ayaa ka gaabsaday sababta ay Itoobiya dib ugu dhigtay xarigga Barre Hiiraale.

XS
SM
MD
LG