Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Taageertay Howlgalkii Soofurashada


DKMG oo Taageertay Howlgalkii Soofurashada
DKMG oo Taageertay Howlgalkii Soofurashada

DKMG ayaa sheegtay inay taageersan tahay howlgalkii ciidamada Maraykanku ay ku soo furteen laba shaqaalaha gar-gaarka ka tirsan oo afduub ahaan loogu haystay bartamaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed soo baxay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu sheegay in bad-baadintii la soo badiyay, Jessica Buchanan oo Maraykan ah iyo Poul Thisted oo Danish ah ay farxad weyn u ahayd dadka sida fiican u fikira ee caalamka ku nool.

Jesicca iyo Poul ayaa Arbacadii la soo bad-baadiyay markii ciidamo Maraykan ah oo si gaar ah u tababaran ay weerareen dableydii afduubka u haysatay oo ku sugnaa bartamaha Soomaaliya, iyagoo howlgalkaasina ku dilay 9 kamid ah dableydaasi.

DKMG ee Soomaaliya ayaa amaantay howlgalkaasi, iyadoo sheegtay luqada kaliya ee ay fahmaan afduubayaasha, burcad-badeedda iyo argagixisadu ay tahay in si adag loo garaaco.

DKMG ayaa sidoo kale sheegtay inay sameyn doonto wax kasta oo ay awoodda si ay gacan uga geysato sii deynta lahaystayaasha kale ee lagu haysto gudaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG