Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo soo Bandhigtay Meydad iyo Waraaqo Aqoonsi


Maxamed Cabdi Macallin oo waraaqo aqoonsi oo uu leeyahay ay DKMG ahi soo bandhigtay, sheegtayna inuu dhintay ayaa VOA la hadlay

Dagaal dhex maray ciidanka Amaanka ee DKMG ee Somalia iyo dad ay DKMG ahi sheegtay inay ahaayeen Alshabab ayaa keenay dhimashada labo ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday.

Meydkii labada nin ee la dilay ayaa dawladdu ay warbaahinta u soo bandhigtay, iyada oo sidoo kale soo bandhigtay bastoolado iyo waraaqo aqoonsi.

Haddaba, waraaqahaas aqoonsiga oo dawladdu sheegtay inay ka heshay guri u dhow meesha dagaalku ka dhacay, ayaa ruuxii iska lahaa sheegay in waraaqaha gurigiisa lagala baxay, isaguna aanu shaqo ku lahayn dagaalkii meesha ka dhacay, ruuxa la sheegay inuu dhintayna uuna ahayn.

Wareysiyo arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG