Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo ka hadashay Tababarka Ciidanka Puntland


DKMG oo ka hadashay Tababarka Ciidanka Puntland
DKMG oo ka hadashay Tababarka Ciidanka Puntland

C/kariin Axmed Jaamac oo ka mid ah wasiiradda DKMG ayaa sheegay in DKMG ay ogtahay fasaxna siisay shirkadda tababarka siinaysa ciidanka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda KMG C/kariin Xasan Jaamac ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in dowladda KMG ay ka warqabto isla markaana ay ogolaanshaha siisay shirkadda gaarka loo leeyahay ee tababarka siinaysa qaar ka tirsan ciidamada maamul-gobolleedka Puntland.

C/kariin wuxuu sheegay in shirkad lagu magacaabo Sarecen oo ka diiwaan gashan dalka Koonfur Afrika ay xiriir la soo samaysay DKMG si ay tababar u siiso ciidamada la dagaallama burcad-badeedda iyo waliba ciidamada ilaallada gaarka u ah shaqsiyaadka muhiimka ah ee dowladda Somalia. C/kariin wuxuu xusay inay shirkaddaasi siiyeen ogolaanshaha ay ku tababarto ciidamada Soomaalida.

Tababarka la siinayo ciidamada Puntland ayaa waxaa walaac ka muujiyay dhinacyo kala duwan oo ay ku jirto Somaliland oo iyagu sheegay in ciidamada Puntland loo tababarayo ay dhici karto in loo isticmaallo gobollada ay Puntland ku muransan yihiin, hasse yeeshee C/kariin Jaamac wuxuu isagu sheegay in tababarradani aysan dhalin karn wax xiisaddo ah oo u dhaxeeya Somalida.

Sidoo kale C/kariin Xasan Jaamac, wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiintu wuxuu ka hadlay domain-ka ay dowladda Somalia ku leedahay internet-ka ee DOT So, kaasoo la sheegay in laga iibiyay shirkad laga leeyahay dalka Japa. C/kariin wuxuuna sheegay inuu socday dadaal loogu jiro sidii loo soo celin lahaa domain-kaasi oo muhiim u ah hay'addaha dowladda Somalia.

XS
SM
MD
LG