Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Dalbatay in Cunaqabateyta Hubka laga Qaado


DKMG oo Dalbatay in Cunaqabateyta Hubka laga Qaado
DKMG oo Dalbatay in Cunaqabateyta Hubka laga Qaado

DKMG ayaa dalbatay in cunaqabteynta hubka laga qaado si ay isaga difaacdo kooxda al-Shabaab oo haatan la midowda ururka Al-Qaacida.

Dowladda KMG ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in midowga al-Shabaab iyo AlQaacida uu kor u qaadayo amni darrada Soomaaliya, bariga Afrika iyo caalamka, sidoo kalena ay Soomaaliya halis u tahay inay noqoto saldhig Alqaacida ay ku yeelato bariga Afrika.

Dowladdu waxay sheegtay inaysan sahashaneyn khatarta ka imanaysa midowga labadan urur, isla markaana ay ciidamadeeda iyo dadweynaha galinayso heeggankii ugu sareeyey si ay uga hortagaan khatar laga yaabo inay ku timaado amniga Soomaaliya iyo bariga Afrirka

Dowladdu waxay codsatay in la qaado cunaqabteynta hubka ee saaran si ay dalka u difaacdo una dhameystirto guullaha ay gaadheen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

XS
SM
MD
LG