Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Codbixinta Doorashada Jabuuti Oo Socota


Ismaaciil Cumar Geelle
Ismaaciil Cumar Geelle

Codbixin ayaa ka socota dalka Jabuuti ay dadku ku kala dooranayaan musharixiinta madaxweynenimo ee dalkaasi, oo uu ka mid yahay madaxweyne Geelle.

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in doorashada madaxweynenimo ee dalkaas oo saaka bilaabantay ay haatan si habsami ah uga socoto dalkaasi.

Illaa 190,000 oo qof oo reer Jabuuti ah ayaa la qiyaasayaa inay ka qeyb qaadanayaan doorashadan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa codkiisa ka dhiibtay xaafad ku taalla magaalada Jabuuti, isaga oo VOA u sheegay inuu isku codeeyey.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa la filayaa inuu mar kale doorashado ku guuleysto, isaga oo maamulayey dalka Jabuuti 17-kii sano ee tagay.

Musharaxiinta xisbiyada mucaaradka ayaa sheegaya in wax isdaba marin ay ka socoto doorashada ayaga oo ku andacooday in taageerayaashooda laga horistaagay inay codkooda dhiibtaan.

Weriyaheena Ramadaan Muuse ayaa warkan kasoo diray Jabuuti.

Doorashada Jabuuti oo socota
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00

XS
SM
MD
LG