Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Ololaha Doorashada oo Socda


Djibouti: Ololaha Doorashada oo Socda
Djibouti: Ololaha Doorashada oo Socda

Ololaha doorashada madaxtinimada ee dalka Jabuuti ayaa socda, kaasoo soo afjarmi doona maalinta arbacada ee todobaadkan.

Waxaa dalka Jabuuti ka socda ololaha doorashada madaxtinimada ee dalkaasi, kaasoo soo afjarmi doona maalinta Arbacada ee todobaadkan.

Codeynta doorashada oo loo dareeri doono maalinta jimcaha ee todobaadkan, waxaa madaxweynaha iminka talada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle jagada kula tartami doona hal musharax oo aan xisbina ka socon, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Warsame Raage.

Wariyaha VOA-da ee Yurub, Cabdisalaam Ibraahim Hareri oo London Jooga ayaa wareysiyo la kala yeeshay Musharaxaasi iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ahna afhayeenka ololaha doorashada ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

XS
SM
MD
LG