Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado lagu Qabtay Muqdisho


Diyaarado lagu Qabtay Muqdisho
Diyaarado lagu Qabtay Muqdisho

Ilaalada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa qabtay laba diyaaradood oo kuwa xamuulka ah, kuwaasoo siday malaayiin doollar.

Ciidamada nabad sugidda iyo kuwa ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa qabtay laba diyaaradood oo kuwa xamuulka ah ee loo yaqaan Chesna, kuwaasoo saaka soo fariistay garoonka.

Dowladda KMG ah ayaa sheegtay in diyaaradahaasi ay oggolaansho weydiisteen mas’uuliyiinta garoonka, ka dibna ay bilaabeen inay xamuul isku gudbiyaan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cabdishakuur Xasan Faarax ayaa VOA u sheegay in baaritaano la sameeyay ka dib la ogaaday in diyaaradahaasi ay sideen lacag gaareysa $3,600,000 oo Soomaaliya.

Ma cadda halka ay lacagahaasi ku socdeen.

Dowladdu waxay sheegtay in la hayo duuliyeyaasha diyaaradahaasi oo afar ah iyo labo qof oo la aaminsan yahay inay lacagaha sideen.

Dadka la socday diyaaradahaasi ayaa la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Britain, Kenya iyo Maraykanka.

XS
SM
MD
LG