Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiir ka socda Jarmalka oo Muqdisho Booqday


Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga ee dalka Jarmalka, Dirk Niebel ayaa maanta booqasho aan hore loo shaacin ku tagay Muqdisho.

C/wahaab Khaliif Ugaas, wasiirka Ganacsiga ee DKMG oo wasiirka Jarmalka kula kulmay garoonka diyaaradaha ayaa VOA u sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Jarmalku ay Somalia ugu yaboohayso lacag ku dhow boqol Malyuun oo Euro oo loogu talagalay mashaariicda dib u dhiska Somalia.

XS
SM
MD
LG