Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhoobley oo Duqeyn ay Ku Socoto


Dhoobley oo Duqeyn ay Ku Socoto
Dhoobley oo Duqeyn ay Ku Socoto

Degmada Dhoobley waxaa horey u joogay ciidamo ka tirsan al-Shabaab, waxaanay duqeyn uga timid saddex jiho.

Duqeyn xoog leh ayaa lagu soo warramayaa inay ku socoto degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose oo ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Ilo ku sugan gobolkaasi ayaa VOA u sheegay in Dhoobley ay saddex jiho ka duqeynayaan ciidamo lagu magacaabo Raaskambooniyiin oo uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Madoobe oo ay ka soo galeen dhanka deegaanka Diif, iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo lagu tababaray dalka Kenya oo iyaguna ka soo galay labo Jiho oo kala ah Liboyo iyo Dhajabuula.

Wariyaha VOA-da ee Gaarisa Maxamed Faarax Shire oo xiriiro badan la sameynayay deegaanka Dhoobley ayaa sheegay in xiisaddu ay cirka ku shareeran tahay.

Dowladda KMG ah ayaa sheegtay inay al-Shabaab ka saari doonto deegaanada ay ka taliso ee Soomaaliya.

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa doonaya in maleeshiyada al-Shabaab ay kala wareegaan Dhoobley iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka, ka dib markii ay bishii hore ka qabsadeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

XS
SM
MD
LG