Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhegtuur: Dagaal ayaa Dib u Qarxay


Dhegtuur: Dagaal ayaa Dib u Qarxay
Dhegtuur: Dagaal ayaa Dib u Qarxay

Dagaal ayaa maanta dib uga qarxay deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ku dagaalamayaan laba beelood.

Dagaal ayaa dib uga qarxay deegaanka Dhegtuur ee gobolka Mudug, halkaasoo la sheegay inay ku dagaalamayaan laba beelood.

Dagaalkan ayaa dib u soo cusboonaaday iyadoo dowladda KMG ah ay waddo dadaal ay ku dooneyso inay ku kala dhexgasho labada beelood ee dagaalamaya.

Cabdicasiis Mukhtaar Aadan (Qariiddi) oo ah madaxa guddiga dib u heshiisiinta colaadaha Mudug ayaa ugu baaqay labada beelood ee dagaalamaya.

Mr. Qariiddi ayaa VOA u sheegay in guddigoodu ay la kulmeen madaxweynaha maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka, waxayna noo xaqiijiyeen ayuu yiri inay ka xun yihiin dagaaladaasi dhacay.

Qariiddi ayaa sidoo kale sheegay inay la ballansan yihiin dhinaca kale, ayna xiriir la sameeyeen.

XS
SM
MD
LG