Muqdisho —
Sanadihii ugu dembeeyay Soomaaliya waxaa kusoo noqonayay dhallinyaro badan oo ku koray qurbaha, waxayna door fir-fircoon ku yeesheen nolosha dadka ku nool gudaha waddanka.
Qaar kamid ah da'yartaas ayaa waxyaabihii wanaagsanaa ee la xiriiray dowladnimada waxay kusoo celiyeen Soomaaliya.
Haddaba, wiil dhallinyaro ah oo muddo ku noolaa qurbaha ayaa waxa uu waddooyinka Muqdisho ku sameeyaa rinjiyeeyn iyo in uu hareerahooda ku dhejiyo astaamaha kala xadeeya dadka iyo gaadiidka, astaamahaas oo muddo dheer ka maqanaa dalka
Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin la xiriirta shaqada wiilkaas iyo aragtida dadka ay ka qabaan inooga soo diray Muqdisho.
Madal