Niman hubeysan ayaa afduubtay laba ka tirsan shaqaalaha MSF oo ku sugnaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Hay'adda MSF ayaa VOA u xaqiijisay in la la' yahay laba ka tirsan shaqaalaheeda.Labadan shaqaalaha MSF ayaa u dhashay dalka Spain
Hay'adda MSF waxay sheegtay in la dhaawacay darawalkii waday shaqaalahan oo isagu u dhashay Kenya.
Shaqaallahan ayaa maanta laga afduubtay meel u dhow xerada IFO 3.
Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay ka shakisan in dadka afduubkan geystay ay yihiin dablay Soomaali.