Qodobbada aan toddobaadkan ku eegeyno waxaa kamid ah: qaraxyadii Kampala, jawaabta Mareykanka iyo waliba raafka lagu sameynayo Soomaalida magaalada Nairobi.
Qaraxyadii ka dhacay Kampala, oo ay sheegteen kooxda Soomaaliya ka dagaallanta ee Al-Shabaab, ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 80 qof, tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen. Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu ururka Al-Shabaab ka fuliyo meel ka baxsan Sooomaaliya.
Prof. Afyare Cabdi Cilmi, oo daraasaadka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Qatar ee magaalada Dooxa, oo toddobaadkan gorfeynaya dhacdadaas, ayaa sheegay inay horseedi karto in dardar hor leh la galiyo fara-galinta ay beesha caalamku ku heyso Soomaaliya.
Sidoo kale, natiijooyinka ka dhashay qaraxaas waxaa kamid in ugu yaraan 100 qof oo Soomaali ah lagu xirxiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ammaanka la adkeeyey, kaddib qaraxyada Kampala.
Sidoo kale, madaxweyne Barack Obama ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in Mareykanku uu sii xoojin doono taageerada uu siiyo DKMG ah ee Soomaaliya.