Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DFKM oo Caruur Dagaal Galisa


DFKM oo Caruur Dagaal Galisa
DFKM oo Caruur Dagaal Galisa

Wargeyska The New York Time ayaa sheegay in xukuumadda Somalia ay caruur u adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxaha mucaaradka ah

Wargeys ka soo baxa Maraykanka ayaa soo weriyay in xukuumadda Somalia ay ciidan ahaan u isticmaalayso caruur dagaalkeeda ay kula jirto kooxaha mucaaradka ah.

Wargeyska The New York Times ayaa ka soo xigtay saraakiil ka tirsan Qaramada midoobay iyo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Somalia kuwaasoo sheegayay in xukuumaddu ay boqolaal caruur ah, oo qaarkood sagaal jir ah ay furimaha hore ee dagaalka soo galisay.

Wargeysku wuxuu sidoo kale soo wariyay in Maraykanka oo si weyn u taagera xukuumadda Somalia uu ka caawinayo lacagaha la siinayo ciidamada

Dowladda Somalia ayaa dagaallo qaraar kula jirta kooxaha mucaaradka oo ka taliya inta badan magaalada Muqdisho, iyo qeybo badan oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Qamarada Midoobay iyo saraakiisha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in kooxaha mucaaradkuna ay dhinacooda caruurta ciidan ahaan u isticmaalaan. Wargeyska The New York Times wuxuu soo xiganayaa madaxa ururka xuquuqda aadanaha ee Elman isagoo sheegaya in 20 boqolkiiba ciidamada dowladdu ay caruur yihiin halka 80 boqolkiiba ciidamada mucaaradku ay caruur yihiin

XS
SM
MD
LG