Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Denmark: Soomaali 9 sano lagu Xukumay


Niels Christian Strauss looyarka ninka Soomaaliga ah ee la xukumay
Niels Christian Strauss looyarka ninka Soomaaliga ah ee la xukumay

Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa 9 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay isku day dil.

Muxyiddiin Maxamed Geelle oo 29 jir Soomaali ah ayaa maxkamad ku taalla dalka Denmark ay ku xukuntay 9 sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi isku day dil ah oo uu u geysan lahaa farshaxaniste Danish ah oo sawiray sawir gacmeed uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH).

Shalay ayaa maxkamadda horteeda laga akhriyay eedeeymaha loo haysto ninkaasi Soomaaliga ah.

Maxkamaddu waxay ku eedeeysay inuu Mr. Geelle uu sanadkii hore horraantiisii uu faas ku weeraray farshaxanistaha oo uu isku dayay inuu dilo.

XS
SM
MD
LG