Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Sep. 29 2015

5
Haweeney dallad isaga dhigeysa dabeylo iyo roob xooggan oo ay keentay duufaanta Dujuan ee degmada Tamshui ee magaalada New Taipei ee Taiwan. 7,000 oo qof ayaa guryahooda looga daad gureeyey duufaantan darteed.

6
Dad xeebta ku dalxiisaya oo ku raaxeysanaya muuqaalka wanaagsan ee qorax dhaca magaalada Brighton ee koonfurta England.

7
Nin Tibeten dibad-joog ah oo ku duceynaya qol dhalo ah gadaashiis, kuna sugan magaalada Dharmsala ee India. Hoggaamiyahiisa diinta Tebatan Budhism Dalai Lama oo 80 jir ah ayaa ku jira Isbitalka Mayo Clinic ee magaalada Rochester, Minnesota.

8
Dibad-baxayaal wata dallado jaale ah, ayaa xusaya sanad guuradii kowaad ee "Dhaq-dhaqaaqa Dallada", ayaga oo ku sugan banaanka xarunta dowladda ee Hong Kong. Sanad ka hor, ayaa jidadka Hong Kong waxaa xiray banaan-baxayaal taageera dimuqraadiyadda, kuwaasi oo ku sugnaa 79 maalmood.