Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Sep. 29 2015
1
Waa nin hubeysan oo ka tirsan qabaa'ilka dalka Yemen, kana mid ah taageerayaasha madaxweynaha Sacuudiga Taageeraan ee dalkaas Hadi. Waxa uu taagan yahay oo uu eegayaa biyo-xireenka Marib ee bariga magaalada Sanca, xilli dagaalka ay kula jiraan kooxda Xuutiyiinta uu weli sii socdo.
2
Daaraha ganacsiga Singapore oo boor uu qariyey iyo shaqaale dhinaca bidix ka muuqada oo dhaqaya taalada wiilka hurda ee uu sameeyey sanam sameeyaha British-ka ee Marc Quinn, kaasi oo ku matalay wiilkiisa.
3
Taalada Paris ee (Eiffel Tower) oo lagu nuuriyey midabka pink-ga, taasi oo qeyb ka ah dhacdada Ruban Rose, oo lagu muujinayo bisha ka warqabka kansraka naasaha ku dhaca.
4
Dibadbaxayaal badankood ah qaxooti Syrian ah, oo isugu soo baxay banaanbax loogu magac daray "Mahadsanid Austria", oo ka dhacay magaalada Vienna ee dalkaasi, si ay uga mahad-celiyaan soo dhoweyntii loo sameeyey.