Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 11, 2015

1
Dooni sida qaxooti iyo muhaajiriin oo badda Aegean ka gudbaya, ayaga oo ka tagay Turkiga una socda jasiiradda Lesbos ee dalka Greece.

2
Dad ku nasanaya xeebta magaalada Nice ee dalka France, xilli cimiladu aad u wanaagsan tahay.

3
Dadweyne haya sawirka Mustafa Kamal Ataturk, oo ah aas-aasaha jamhuuriyadda Turkiga, ayaga oo xusaya sanad guuradii 77-aad ee dhimashadiisa.

4
Qoraxda oo laga arko gadaasha wiifowga wareegga, magaalada Korla ee dalka China.