Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo Booqday Kaakuma


Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo Booqday Kaakuma
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo Booqday Kaakuma

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko socaalka uu ku tegay Kaakuma waxaa uu salka ku hayaa colaad ka dhex aloosan Soomaalida iyo Kenyaatiga.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo maanta booqasho hawleed ku tegay xerada qaxootiga ee Kaakuma, halkaasoo ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed.

Ambassador Ameeriko ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in ujeedada safarkiisu ay salka ku haysay sidii uu usoo ogaan lahaa colaad ka dhex aloosan qaxootiga Soomaaliyeed iyo dadka Kenyaatiga ah.

Safiirka ayaa sheegay in markuu gaaray Kaakuma ay si fiican u soo dhoweeyeen qaxootiga Soomaalida, ka dibna uu kulan la qaatay guddiga qaxootiga Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa sheegay in guddigu ay uga warbixiyeen sababihii bilaabay colaadaasi oo ay sheegeen inay ka bilaabatay labo dhalinyaro ah oo dagaalamay.

Si kastaba ha ahaatee Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa haatan dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi.

XS
SM
MD
LG