Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalo ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho


Dagaalo ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho
Dagaalo ka Dhacay Waqooyiga Muqdisho

Dagaaladan ayaa dhacayey labadii labadii maalmood ee u dambeeyay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay fariisimo cusub la wareegeen.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaalo ka dhacay Waqooyiga magaalada Muqdisho oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ee magaalada Muqdisho Cali Muuse Sheekh ayaa VOA u sheegay in ay sidoo kale jiraan ugu yaraan 10 ruux oo ku dhaawacantay dagaalka maanta. Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintayba ayaa ah dad rayid ah oo waxyeello ka soo gaartay madaafiicda iyo rasaasta ay isweydaarsanayeen dhinacyada dagaalka ku jira.

Ciidamada dowladda waxaa ku wehlinaya dagaalka ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna guulo ka sheegteen dagaalka.

Xoogagga AMISOM ayaa sheegtay inay dagaaladii ugu dambeeyay ay kula wareegeen fariismo ku yaalla waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan qeybo ka mid ah degmada Boondheere.

XS
SM
MD
LG