Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka dhacay Bartamaha Somalia


Dagaallo ka dhacay Bartamaha Somalia
Dagaallo ka dhacay Bartamaha Somalia

Dagaallo culus oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ayaa Al-shabab iyo Ahlu-Sunnah ku dhexmaray deegaannada War-xoolo iyo Cawsweyn oo ka tirsan Galgaduud.

Dagaalladan ayaa u kala dhacay si kala gooni ah. Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay saaka aroortii weerar kadis ah ku qaadeen fadhiisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada Ahlu-Sunnah deegaanka Caws-weyn oo u dhaxeeya Ceelbuur iyo Ceeldheer, wararka ku dhow-dhow dagaalkaasi ayaa sheegaya in maleeshiyada Ahlu-Sunnah ay iska difaaceen weerarkaasi. Afhayeenka ururka Ahlu-Sunnah C/laahi C/raxmaan Abu-Yuususf ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkaasi ay dhinaca Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaaro balaaran kana qabsadeen baabuur dagaal.

Dagaalka labaad ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay deegaanka War-Xoolo oo u dhow Wabxo. Ahlu-Sunnah ayaa sheegtay inay weerarka qaadeen. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dagaalladan dhaliyeen. Dad ku sugan Wabxo ayaa VOA u sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay dagaalkan.

Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul-Islam oo Al-shabaab ay xulufo yihiiin, kuna sugan Beledweyne Macalin Faarax Axmed oo VOA-da la hadlay ayaa beeniyay sheegashada Ahlu-Sunnah ee ah inay baabuur dhinaca Al-Shabaab ka gubeen.

Wareysiyada labada dhinac Ahlu-sunnah iyo Xisbul-Islam qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG