Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo iyo Duqeyn ka Dhacay Muqdisho


Dagaallo iyo Duqeyn ka Dhacay Muqdisho
Dagaallo iyo Duqeyn ka Dhacay Muqdisho

Ugu yaraan labo ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawactay madfac ku dhacay hoteel Kismaayo ee suuqa Bakaaraha

Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay hoteel Kismaayo oo suuqa Bakaaraha ku dhexyaalla. Dhibtani waxay qeyb ka ahayd dagaallo iyo duqaymo culus oo galinkii danbe ee shalay ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dagaaladan iyo duqaymahan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa Amisom iyo kooxaha ka soo hor jeeda ayaa bilowday kadib markii kooxaha hubaysani ay maqribnimadii shalay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowlada ay ku leeyihiin xaafado ka tirsan dagmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag halkaasoo ah goobaha ay ka dhaceen dagaalada xooggoodu.

Dagaalada ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay goobo ka fog halka ay dirirtu ka socotay, waxana madaafiicdu ay ku dhacayeen meelo kala gadisan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dadka dagaalada ku dhaawacmay ayaa loo daad gureeyay goobaha caafimaadka ee magaalada muqdisho. Sidaasna wax VOA u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan halka ay dagaaladu ka dhacayeen.

XS
SM
MD
LG