Dagaaladan ayaa bilawday kadib markii galinkii danbe ee shalay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay soo dageen isbitaalkii hore ee xoogga isla markaana ay halkaasi fariisin cusub ka samaysteen.
Dagaalkan ayaa xooggiisu waxa uu bilawday saqdii dhexe ee xalay xiliga Muqdisho, waxaana uu si xiriir ah u socday ilaa waa barigii , iyadoo labada dhinacna ay isu adeegsanayeen madaafiic aad u culus,
Dagaalka iyo duqayntan oo soo gaaray barqanimadii maanta ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. madfac ku dhacay goob dugsi qur'aan ah oo ku dhaw isbitaalkii hore ee Digfeer ayaa waxaa ku geeriyooday 4 caruur ah oo ka soo jeeda qoysas barakacayaal ah oo dugsi qur'aankaasi wax ka baranayay, iyadoo sidoo kalana isla goobtaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 10 ruux oo kale
Goobaha kale ee ay dhimashada iyo dhaawucuba ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah gudaha suuqa bakaaraha halkaasoo madfac ku soo dhacay ay ku geeriyoodeen 2 ruux halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay VOA u xaqiijiyeen howl wadeenada gaadiidka gurmadka ee magaalada muqdisho
Dagaalkii maanta ka dhacay ayaa waxaa markii ugu horaysay guullo ka gaaray ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG, waxayna ay gacanta ku dhigeen warshadii hore ee caanaha, saraha Ruushka iyo isbitaalka xoogga oo ay ciidamada AMISOM fariisimo cusub ka samaysteen, iyadoo saraakiisha dowladdu ay maanta soo tuseen saxaafadda Muqdisho goobaha cusub ee ay la wareegeen.
Dagaalka xalay ilaa maanta ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu daba joogay dagaallo iyo duqayn hore oo maalintii shalay ka dhacay magaalada muqdisho kuwaasoo inta la hubo ay ku geeriyoodeen ilaa 11 ruux 31 kalana ay ku dhaawacmeen.