Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallada Galgaduud oo khasaaro dhaliyay


Dagaallada Galgaduud oo khasaaro dhaliyay
Dagaallada Galgaduud oo khasaaro dhaliyay

Dagaallo xooggan ayaa maalmihii u danbeeyay Al-Shabab iyo Ahlu-Sunna ku dhexmaray gobolka Galgaduud.

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Elman ayaa xaqiijisay in inkabadan 20 qof ay ku dhinteen dagaallo xooggan oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka dhacayay gobollada dhexe ee Somalia.

Dagaalkan maanta oo ka qarxay deegaanka Bulacle oo qiyaastii 30 km uga jirta magaalada Dhuusomareeb ayaan la ogeyn waxyeelada dhabta ah ee uu dhaliyey, maadaama ay aad u liidato isgaarsiintu, sidoo kalena dadkii rayidka ahaan ay shalay ka barakaceen halkaasi.

Dagaalladan ayaa ka sokow dhimashada, waxaa kaloo ku dhaawacmay 40 oo la sheegayo inay isugu jiraan kooxaha dagaallamaya iyo waliba dad rayid ah.

Dagaalka maanta oo ka culus kii shalay ayaa abaabulkiisa labada dhinacba ay beryahan ay ka wadeen qeybo ka mid ah gobolka Galguduud.

XS
SM
MD
LG