Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Malaintii Saddexaad Oo Xiriir Ah Ka Dhacay Beledweyne


Beledweyne
Beledweyne

Magaalada Baladweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan, waxa maalintii seddexaad ka dhacay dagaallo goos goos ah oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beel oo wada dega magaalada.

Illaa iyo hadda 10 ruux ayaa la og yahay inay dagaalka ku dhinteen, tiro kale oo bandanna ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale magaalada waxa ka jira fatahaad xooggan oo xaafadaha magaalada qaarkeed ay biyuhu qariyeen, taas oo sii kordhisay cakirnaanta magaalada.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka ayaa iyaguna jeedinaya baaqyo ku saabsan in dagaalka si deg deg ah oo joojiyo, inkasta oo aysan sameyn faro-gelin toos ah.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa kala sheekeystay xaaladihii ugu dmabeeyay ee magaalada wariyaha VOA ee Baladweyne Xuseen Xasan Dhaqane.

Dagaal Malaintii Saddexaad Ka Dhacay Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:42 0:00


XS
SM
MD
LG