Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Deyniile


Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda/AMISOM iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay deeggaanka Deyniile ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weerar saaka aroortii qaaday. Dowladda KMG ayaa sheegatay in ay qabsatay cisbitaalka Deyniile iyo garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.

Hasse yeeshee goob-joogayaal ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada al-shabab ay dib u haystaan garoonka diyaaradaha. Kooxda Al-Shabaab waxay dhinaceeda sheegatay in dagaalkan ay ku gubtay baabuur dagaal.

Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay in ka badan 30 qofna way ku dhaawacmeen dagaalka.

Afhayeenka AMISOM ayaa VOA u sheegay in dagaalka maanta ciidamadu ay ku qabsadeen cisbitaalka sidoo kalena ay ku sii durkayaan garoonka diyaaradaha.

Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in dagaalka uu kaga dhintay askari ka tirsan ciidamada AMISOM

Dagaalka Deyniile ayaa saameyn ku reebay qeybo ka tirsan isu-socodka Magaalada. Waxaa xiran waddada weyn ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

XS
SM
MD
LG