Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka dhex-qarxay Puntland iyo Maleeshiyada Attam


A chipping sparrow tugs on some loose threads of weathered clothing while gathering nest-building materials in a garden in Freeport, Maine, USA.
A chipping sparrow tugs on some loose threads of weathered clothing while gathering nest-building materials in a garden in Freeport, Maine, USA.

Dagaal xooggan ayaa ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Attam ee gacan saarka la leh Al-Shabaab ku dhexmaray Gal-galo. Faroole wuxuu sheegay inay saraakiil ka qabteen Maleeshiyadaasi.

Dagaallo xooggan ayaa saaka aroortii ka bilowday tuulada Karin oo qiyaastii 40-km dhinaca koonfurta ka xigta Boosaaso, kadib markii maleeshiyada Sheekh Attam ee gacan-saarka la leh ururka Al-Shabaab ay weerarreen saldhig ciidanka Puntland ay leeyihiin.

Dagaalkaasi oo labada dhinacba ay isku adeegsadeen hub culus ayaa la sheegayaa inuu dhaliyay khasaare kala duwan.

5 askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa dhintay, iyadoo t7 kale ay dhaawacmeen.

Boosaaso waxaa la sheegay in la keenay shan qof oo mayd ah oo ka tirsan yihiin maleeshiyada kooxda Attam ee dagaalka kula jirtay ciidamada Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dagaalku uu dhexmaray ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxo argagixiso ah, sida uu hadalka u dhigay.

Faroole ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah raggii duullaanka soo qaaday oo uu ku jiro nin magaciisa uu ku sheegay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo uu sheegay inuu hogaaminayay kooxdii weerarka ku qaaday tuulada Karin.

Madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyay in ninka la qabtay uu hadda ka hor weerar ku qaaday degmada Baargaal ee gobolka Bari isagoo uu wata ayuu yiri dagaalyahanno ajaanib ah.

Faroole, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka deriska ah inay maamulkiisa gacan ku siiyaan dagaalka uu kula jiro kooxaha ku soo duulay. Wuxuu ka digay in dagaalkan uusan ku ekaan doonin Puntland haddii aan laga hortegin.



XS
SM
MD
LG