Sida uu VOA-da u sheegay Caaqil C/laahi Raage Salal oo ku sugan deegaanka Xaar-Xaarka oo u dhow xadka Somalia iyo Kenya, weerarka ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar bambaano ah ku qaadeen baabuur ay leeyihiin ciidamada Kenya oo roondo ahaan u marayay xadka. Caaqilku wuxuu intaas ku daray in Dagaalku u xoogeystay kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay weerar toos ah la beegsatay saldhig ciidamada Xadka Kenya deegaankaasi ku leeyihiin.
Caaqil C/laahi Raage, oo ka tirsan odoyaasha deegaanku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay u suurogashay inay dib u celiyaan maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Ma jiraan warar faahfaahsan oo ku saabsan dagaalkaasi.
Wareysiga Caaqil C/laahi Raage qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.