Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Tuulada WidhWidh


Dagaal Ka Dhacay Tuulada WidhWidh
Dagaal Ka Dhacay Tuulada WidhWidh

Sarkaal ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhinacooda uu hal askari kaga dhintay dagaalka, saddex kalena ay kaga dhaawacantay.

Dagaal aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaarihiisa ayaa lagu soo warramayaa inuu xalay goor dambe ku dhexmaray deegaanka WidhWidh ee ka tirsan degmada Buhoodle.

Dagaalka ka dhacay deegaankaasi waxa uu u dhaxeeyaa ciidamo ka tirsam maamulka Somaliland iyo xoogag ka tirsan jabhad deegaanka ah oo la baxday SSC.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaan dhigga ee maamulka Somaliland ayaa VOA-da u xaqiijiyay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in laysku adeegsaday hub aad u culus. Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayuu ku sheegay dhinacooda in ay hal askari uu kaga dhintay dagaalka saddex kalena ay kaga dhaawacmeen.

Sarkaalka wuxuu kaloo sheegay in 20 meeyo maxaabiis ah ay ka qabteen Jabhadda SSC, balse jabhaddaasi ayaa dhinaceeda beenisay in ciidamo laga qabsaday, balse dadka la qabtay ay ahaayeen dad rayid ah oo deegaanka deganaa.

Ma jiro ilaa iyo haatan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya halka uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi dhexmaray.

Jabhadda Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) oo ay dhisteen dadka deegaanadaasi degan ayaa sheegtay inay u dagaalamayaan xuquuqda dadka deegaanadaasi.

XS
SM
MD
LG